Faah faahino ayaa kasoo baxaya Askari ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fal isugu jiray dil iyo dhaawac dad shacab ah ugu geystay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Puntland.
Dad ku sugan Gaalkacyo ayaa soo weriyay in marka hore Askariga uu si bareer ah u toogtay Nin Ganacade ahaa oo laga yaqaanay halkaas, xili uu ku sugnaa Xaruntiisa ganacsi ah, kadibna uu baxsaday.
Ciidamo ka tirsan Puntland oo ku sugnaa meel u dhow halka uu dilka ka dhacay ayaa isku dayay inay ay gacanta ku dhigaan Askari falkaas geystay, hayeeshee Askariga iyo Ciidanka ayaa waxaa dhex-martay Israsaaseyn kooban.
Rasaasta ayaa waxaa ku dhintay laba ruux oo shacab ah oo goobta ka Agdhawaa, halka mid kale uu ku dhaawacmay rasaastii ay isdhaafsanayeen Ciidanka Puntland iyo Askarigii hubeysnaa ee dilay Ninkii Ganacsada ahaa.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa ka hadlay falkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, isagoo sheegay inuu aad uga xun yihiin Askariga Ciidanka Puntland ee falka u geystay dadkii shacabka ahaa.
Sidoo kale Guddoomiye Cabdiladiif Sanyare oo warbaahinta la hadlaayay ayaa waxaa uu tilmaamay in Askariga falka geystay uu baxsaday, hayeeshee laamaha amniga Maamulka Puntland ay ku raad-joogaan, isla markaana gacanta lagu soo dhigi doono.
Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan iyo weeraro, waxaana falal kala duwan oo halkaas ka dhacay lagu dilay Mas’uuliyiin iyo dad shacab ah.