Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso duleelka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi xalay laga watay dad shacab ah iyo dhowr gaadiid ah.
Dadka shacabka ah iyo gaadiid ayaa waxaa la sheegay inay wateen Ciidamo Liyuu Boolis ah oo ka yimid dhanka dowlad deegaanka Soomalida Itoobiya.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in 6 qof oo shacab ah iyo dhowr gaadiid ah Ciidankaas ay ka kaxeeysteen deegaan 34-KM Waqooyi ka xiga Magaalada Baladweyne, isla markaana ay ula dhaqaaqeen dhinaca Wadada aada dowlad deegaanka sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Ilaa iyo hada lama oga Ujeedka iyo halka ay la aadeen Ciidamada liyuu Booliska dadkii ay wateen,waxaana lagu soo waramayaa in Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ay ku baxeen arrintaas.