Ciidamada Dowladda oo dad Shacab ah ku dilay Magalada Muqdisho

Dilka dadka Shacab ah ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,kadib dil ka dhacay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Khudaarta ee Magalada Muqdisho.

Rag ku hubeysnaa bustoolado ayaa Gelinkii dambe ee Maanta waxa ay suuqa Khudaarta ee Bakaaraha ku toogteen laba Askari oo ka tirsanaa ciidamada Minashiibiyada ee kuwa Canshuurta qaada ah,iyaag oo intaasi kadib goobta ka baxsaday.

Dilka kadib Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray Goobta,iyaga oo furay rasaas farabadan,waxaana Goobjoogayaal ay sheegeen in rasaastaas ku geeriyoodeen laba qof oo Shacab ah.

Ugu dambeyn waxaa goobta laga qaaday meydadka Afarta ruux oo kala ahaa laba ka mid ahaa Ciidamada Dowladda iyo laba qof oo Shacab ahaa kuna sugnaa goobta xilliga dilka uu dhacayay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor