Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo Shiinaha kula kulmay dhigiisa Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weli ku sugan dalka Shiinaha ayaa Galabta waxa uu Magalada Bijin ee dalkaas kulan kula qaatay Madaxweynaha dalka Masar.

Madaxweyne Farmaajo iyo Cabdi Fitaax Alsisi ayaa kulankooda waxa ay uga wada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen iskaashiga labada dhinac ee ganacsiga iyo maalgashiga.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar ayaa waxa ay yihiin Saaxiibo dhow,iyada oo Madaxweyne Farmaajo dhowr mar uu booqasho ku tegay dalkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor