Maleeshiyadda Kooxda Xuutiyiinta ayaa la sheegay inay xalay duqeeyeen magaalladda Xudeydah ee kaabiga ku haysa Badda Cas, halkaasi oo 8 qof oo rayid ah ku gereiyootay.
Hadal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inay Xuutityiinta madaafiic ku soo garaaceen Deegmadda Tuhyata oo ay Ciiddanka Dowladda joogaan.
Dadka lagu dilay duqeyntaasi waxaa ka mid ahaa 2 carruur iyo haweeney.
Dhinaca kale, Ciiddamo ka socda dalka Imaaraadka oo watay Gawaaridda Gaashaaman ayaa soo gaaray magaalladda Xudeydah, si ay u xoojiyaan Ciiddanka Dowladda Yemeen ee ku sugan Xudeydah.