Jadwalka kuraas Doorashadooda ka dhaceysa Magaalada Baladweyne oo la shaaciyay

Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Hirshabeelle SEIT ayaa shaaciyay  Jadwalka doorashada 11 kursi oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle gaar ahaan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya 11-ka kursi ee Golaha Shacabka ay bilaabaneyso Isniinta soo socota oo taariikhda ay ku beegan tahay 7-da Maarso.

Guddiga doorashada ayaa shaaca ka qaaday in doorashada kuraastaas ay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka dhici doono 8 bishaan Maarso, isla markaana Guddiga wadaan dadaaladii ugu dambeeyay ee qabsoomida doorashadaas.

Maamulka Hirshabeelle ayaa si dardar leh ku wada doorashada Golaha Shacabka Barlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, waxaana Baladweyne lagu doortay Xildhibaano farabadan oo kamid noqonaya Baarlamaanka SOomaaliya.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor