Dad ku geeriyooday Qarax ka dhacay Wershad lagu farsameeyo Gantaalada

5 shaqaale ah ayaa Maanta ku geeriyootay Qarax ka dhacay Wershad lagu farsameeyo Gantaalada iyo waxyaabaha qarxa oo ku taalla Degmada Elmadağ oo 40 KM (25 miles) ka baxsan duleedka caasimadda dalka Turkiye ee Ankara.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Qaranka ee dalkaasi ayaa lagu xaqiijiyey inuu Qaraxaasi ka dhacay Shirkadda  MKE (Mechanical and Chemical Industry Corporation) Rocket and Explosives Factory).

Qaraxa ayaa la sheegay inuu Dhismahaasi ka dhacay abaarihii 8:45 daqiiqo ee Maanta ee xilliga dalkaasi, waxayna u badan tahay inuu Qaraxaasi ka dhacay cillad dhanka Kiimikada, muddadii ay socotay soo-saarka Gantaalka, sida laga soo xigtay Guddoomiyaha Gobalka Ankara, Vasip Şahin oo Suxufiyiinta la hadlay.

Dhanka kale, Madaxweyne Erdoğan ayaa waxa uu Wasiirka Difaaca Qaranka dalkaasi, Yaşar Güler ka dhegeystay Warbixinta hordhaca ee Shilkaasi, iyadoo uu Erdoğan u Tacsideeyey Qoysaska iyo Qaraabada ee dadkii naftooda ku waayey Qaraxaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply