Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta deegaan hoostaga degmadaas lagu rasaaseeyay Gaari ay saarnaayeen dad shacab ahaa.
Koox hubeysan oo Burcad ah ayaa la sheegay inay wadada u gashay Gaariga ay saarnaayeen dadka shacabka ah,kaasi oo noociisu ahaa NOHA,waxaana falka uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Masal-Masaleey,isla markaana waxaa uu ka soo ambabaxay Magaalada Muqdisho kuna sii jeeday degmada Balcad.
Dad ku sugan Degmada Balcad oo la hadlay Radio Dalsan ayaa u sheegay in weerarka uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii saarnaa gaarigaas,waxaana halkaas ku dhintay Darawalkii waday gaariga iyo sidoo kale gabar dhalinyaro aheyd oo dhiganeysay mid kamid ah Jaamacadaha ku yaalla Muqdisho,iyadoona dhawaan difaacatay Buuga Jaamacada ay dhigan jirtay.
Sidoo kale waxaa halkaas ku dhaawacmay qof kamid ahaa dadkii gaariga la weeraray la socday,waxaana gurmad u sameeyay dadka deegaanka Masal-Masaleey.
Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay uga hadlayaan dadkii Maanta lagu dilay duleedka degmadaas.