Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dad isku qoys ah oo fiidnimadii xalay lagu dilay weerar xoogan oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo qabalaha garasle oo hoostega degmada Shilaabo ee dawlad deegaanka Soomaalida.
Rag hubeysan oo maleeshiyaad ahaa ayaa weerar loo adeegsaday rasaas ku qaaday Guri ay ku sugnaayeen hal qoys, xili ay u fadhiyeen afur oo dhammaantood ay wada joogeen hal goob, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro.
Inta la xaqiijiyay 6 qof oo isugu jiray saddex Caruur ah, hooyadood, aabahood iyo adeerkood ayaa ku geeriyooday weerarkaas ka dhacay deegaanka garasle oo hoostega degmada Shilaabo ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in kooxihii ka dambeeyay falkaas ay goobta si deg deg ah uga baxsadeen, isla markaana waxaa goobta tegay dad deris lahaa qoyska oo dhawaqa rasaasta maqlay.
Falkaas lagu weeraray dadka isku qoyska ahaa waxaa la sheegayaan inuu la xiriiray aano beeleed, waxaana dhowr jeer oo horey deegaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida ka dhacay dilal iyo dagaalo salka ku haayay aano qabiil.