Dad hor leh oo kusoo dhaawacmay Dagaalka Laascaanood oo lasoo keenay Muqdisho

Waxaa galabta markii saddexaad Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad sidday 20 qof oo kamid ah dadkii dhawacyada ka soo gareen dagaalada culus ee ka socda Magaalada Lascanood  ee xarunta gobolka Sool.

Dhawacyadaan oo ay ku jiraan dad liita ayaa waxaa Garoonka Adaan Cadde uga hortagay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare ee  BFS, Xildhibano katirsan labada Aqal, Agaasimaha guud ee Hey’adda maareynta Masiiboyinka Qaranka, Agaasimaha waaxda cafimaadka.

Diyaaradda siday dhawacyada la keenay magaalada Muqdisho ayaa kasoo duushay magaalada Garoowe, waxaana la socday  Madaxa xarunta howlgallada Gurmadka Degdegga ee hey’adda mareynta masiiboyinka dowladda Soomaaliya.

Gawaarida gurmadka deg deg ah ayaa dhawacyadaan u daabulay xarumaha  cafimaadka magaalada, si loogu daaweeyo.

Agaasimaha xarunta howlgallada Gurmadka Degdegga ee hey’adda mareynta masiiboyinka Qaranka Abdullahi Mohamed Abdi (Abdullahi Qaran) ayaa kawarbixiyey tirada dhawacayda galabtay magaalada muqdisho la soo gaarsiiyey.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare ee BFS Cabdullaahi Cali Xersi “Timacadde” ayaa u mahadceliyey Madaxda ugu sareysa  hey’adda mareynta masiiboyinka oo dhawacayadan isku howlay sidii muqdisho loo soo gaarsiin lahaa

Waxaa qeybtii sadaxaad dadka ku dhaawacmay dagaalada Laascaanood ee hey’adda mareynta maiiboyinka ay Muqdisho soo garsiiso, si loogu baxnaniyo cafimaadkooda madaama ay ku jiraan dadkaan kuwa qaba dhaawcyo culus.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply