Dowladda Federaalka oo ka Warbixisay khasaaraha ka dhashay Howlgal culus oo dhacay

Wasiir ku-xigeenka wasaarada Warfaafinta Cabdiraxaan Yuusuf Alcadaala ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Inji oo ku dhow degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeelada dhexe ee Hirshabeelle.

Wasiir Alcadaala oo warbaahinta  kula hadlay ayaa waxaa uu sheegay in howlgalka dhacay oo ay fuliyeen ciidanka xoogga, kuwa NISA iyo dadka deegaanka oo kaashanayay Mareykanka khasaaro lagu gaarsiiyay Shabaabkii ku sugnaa Inji.

Wuxuu sheegay in howlgalka Inji lagu dilay in ka badan 200 oo ka tirsan Al-Shabaab ay ciidamada, waa sida uu hadalka u dhigay Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo aan sheegin khasaaraha dhankooda gaaray.

Isaga  oo sii hadlaayay Wasiir Alcadaala ayaa waxaa uu tilmaamay xubnaha laga dilay Shabaabka ay ku jireen saraakiil oo magacyadooda ku kala sheegay, Salaad Maxamuud Siyaad, Xuseen Dheere oo ku xigeen u ahaa Salaad, Yuusuf Cali Sheekh 4-iyo Sandheere.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa waday maalmahaan howlgallo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana Shabaabka looga qabsaday degaano farabadan oo ay kaga sugnaayeen Gobolada Hirshabeelle iyo Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor