Dad farabadan oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Duqeyn uu Turkiga la beegsaday

Telefishinka dowladda Ciraaq, ayaa sheegay in siddeed qof oo ay ku jiraan labo carruur ah ay ku dhinteen, 23- kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii Turkigu ay ku garaaceen madaafiic gobolka Zaho ee waqooyiga dalkaas.

Mushir Bashir oo ah mas’uul katirsan gobolka, ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in dadka dhintay ay u badnaayeen “dalxiisayaal ka yimid bartamaha iyo koonfurta dalkani.

Mushir Bashir ayaa sheegay in tuuladooda in laba jeer ay kusoo dhaceen madaafiic. “Madaafiicda Turkiga ayaa sideed qof ku dilay, 23 kalana way ku dhaawacmeen deegaan loo dalxiis tago ee Parakh,” sida uu sheegay Bashir.

Sarkaal katirsan ismaamulka Kurdida, ayaa sidoo kale sheegay in shan qof ay ku dhinteen dabka. Bashir waxa uu intaa ku darey in dalxiisayaashu ay u yimaadeen tuulada buuraleyda ah ee Parakh, si ay uga badbaadaan kuleylka ba’an ee ka jira koonfurta dalka Ciraaq.

Ilo wareed katirsan wasaaradda difaaca qaranka Turkiga oo la hadlay AFP, ayaa sheegay inuusan waxba kala soconin madaafiicda lagu garaacay goobta. Turkigu ayaa tan iyo bishii April waday hawlgalka Claw-Lock, ee ka dhanka ah xubnaha PKK ee waqooyiga Ciraaq.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor