Taliska Booliska Nugaal oo amar siiyay Laamaha ammaanka Gobolka iyo kuwa Garoowe

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal ee dowlad Goboleedka Puntland Xussen Cali Maxamuud ayaa faray Saraakiisha amniga Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaas inay xoojiyaan shaqada amniga Magaalada.

Shirka Saraakiisha Gobolka oo Maanta oo Khamiis ah ka qabsoomay Garoowe ayaa waxaa looga hadlaayay xoojinta ammaanka Gobolkaas Nugaal iyo  kan Caasimadda Maamulka, waxaana kulanka ka qeyb galay Taliye ku-xigeenka cusub ee qaybta Gobolka iyo Taliyaasha Saldhigyada iyo Kantaroola.

Taliyaha qaybta Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa shaqada socota ka dhagaysgay taliyaasha Saldhigyada iyo Kantaroolada Garoowe, isagoo sidoo kale warbixin ka dhagaystay Taliyaha howl galinta Booliska gobolka Nugaal G/le Maxamed Nuur.

Taliye Xussen Cali Maxamuud ayaa Saraakiisha faray in dagaalka lagu la jiro Mandooriyaha, tuugada dadka dhacda iyo Al-shabaab iyo Daacish laba jibaaro shaqo adagna la qabto, si looga hortego falalka amni darro ee xiliyada qaarkood dhaca.

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa sidoo kale saraakiisha faray in Taliye ku xigeenka cusub inay la shaqeyaan shaqadii socotay ee amniga la sii xoojiyo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor