6 qof ayaa geeriyootay, 6 kalena waxaa ay ku ku dhaawacmeen Shil ka dhacay Waqooyiga Galbeed ee dalka Turkiga. Tareen nooca Xamuulka qaada iyo Bas ay shaqaale la socdeen ayaa isku dhacay Aroornimadii Maanta oo Sabti ah.
Shilka ayaa ka dhacay Isgoyska dhabaha Tareenka ee Deegaanka Ergene ee Gobalka Tekirdağ. Baraka waxa uu waday Shaqaale Wershad markii ay isku dhaceen Tarren ku wajahnaa Degmada u dhow ee Çerkezköy, abaarihii 8-dii Aroornimo ee Xilliga dalkaasi.
Dhamaan dadka geeriyooday iyo kuwa ku dhaawacmay Shilkaasi ayaa waxaa ay la socdeen Baska oo aad u burburay.
Sawirka Baska oo sidii Daasad ama Kombo oo kale noqday ayaa yaallay jambiga ama hareerta dhabaha ay Tareenada adeegsadaan.
Sanadkii 2018-kii, 25 qof ayaa ku geeriyootay Tareen ku qalibmay meel ku dhow Degmadda Çorlu ee dalkaasi.