Dabaaldegyo kooban oo Maanta ka dhacaya deegaanada Somaaliland

Dabaaldegyo aan sidaasi u buurneyn oo ka duwan kuwii horay loo qaban jiray ayaa maanta ka dhacay deegaano badan oo ka tirsan Maamulka Somaaliland kuwaas oo lagu maamuusayo Xuska 18 may oo ay Somaaliland aaminsan tahay in ay tahay waqtigii ay ka Go’day somaaliya inteeda kale.

Madaxweynaha maamulka Somaaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayaa horay ugu dhawaaqay in Sanadkaan la joojiyay dabaaldegyadii iyo Xafaladihii waaweeynaa ee la dhigi jiray islamarkaana dhaqaalihii ku bixi lahaa loo weeciyay taakuleenta dadka ay abaartu saameeysay ee ku nool deegaanada kala duwan ee Maamulka Somaaliland.

Sanadii 1991 18 bishii May, ayay Somaaliland ku dhawaaqeen in ay yihiin dowladda Gooni ah islamarkaana ay ka Go’een Somaaliya waxana jirin xiligaas wixii ka dambeeyay cid u aqoonsatay in ay yihiin dowlad kale iyagoo weli wada sidii loo aqoonsan lahaa.

Dabaaldegyo kooban ayaa ka dhici doona Magaalooyinka Burco, Hargeyso iyo Magaalooyin kale balse waxaan jirin Xaflado waaweyn oo la qabanaayo sidii horay looga bartay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media