Waxaa Caawa dab xoogan uu ka kacay Xarunta Warshadda Biyaha Zamzam ee ku taalla Tabbeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in dabka uu yahay mid xoogan uuna kusii faafayo qeybo kale oo kamid ah Xarunta Warshadda Biyaha Zamzam.
Sidoo kale waxaa socda gurmad lagu deminayo dabka oo ay sameeynayan dadka deegaanka, mana jiro wax gaadiid ah dab demis ah oo halkaas gaaray.
Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan goobta uu dabka ka socdo, kuwaasi oo mararka qaar ridaya rasaas, sidoo kalena sugaya amniga Xarunta uu ka socdo Gurmad.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dabkaas uu geystay Khasaaro hantiyadeed, welina lama oga waxyaabaha sababay inuu dabka ka kaco Warshadda Biyaha Zamzam.