Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Caawa War kasoo saaray xaaladda ka jirta Gobolka Gedo.
War-saxaafadeedka kasoo baxay Madasha Xisbiyada ayaa waxaa lagu sheegay in Madasha bilihii ugu dambeeyay si dhow ula socotay xaalada murugsan iyo dhiilada colaadeed ee ka jirta Gobolka Gedo.
Madasha ayaa tacsi u dirtay qoysaska Ciidankii dhawaan ku geeriyooday dagaalkii ka dhacay Degmada Beled-Xaawo, kaasi oo u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwo ka tirsan Jubbaland.
Sidoo kale Qoraalka ay soo saareen Madasha Xisbiyada ayaa Madaxweynaha iyo Xukuumadda waxaa ay ku eedeeyeen inay Ciidamo gaar ah ku daabuleen Gobolka Gedo, iyagoo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan kamid aheyn howlgalka AMISOM.
Qoraalka Madasha ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin in Agaasimaha Hay’adda nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin uu burburiyay qaab dhismeedkii Ciidamada Qalabka Sida ee Dastuuriga ahaa.
Ugu dambeyntii Madasha ayaa Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka Gobolka Gedo ugu baaqday inay u istaagan howlaha dowladda ka wado Gobolka si aysan isku bedelin dagaal beeleedyo.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran.