Dab ka kacay kaalin shidaal oo ku taalla Magaalada Boosaaso

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi xalay kaalin shidaal oo ku taalla uu dab xoogan ka kacay.

Kaalinta shidaal uu dabka ka kacay ayaa waxa ay ku taallaa meel ku dhow Xarunta Ciidamada Badda ee maamulka Puntland,waxaana goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg deg ah,si loo damiyo dabka kaasi oo ahaa mid aad u xoogan.

Dadka deegaanka Boosaaso ayaa inoo sheegay in dabkii ka kacay kaalinta shidaal uu sababay qaraxyada foostooyin shidaal oo ku jiray xarunta ,isla markaana dabka uu sii xoogeestay waxa uuna ka baxaya goobta.

Sidoo kale Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa xalay dadka ku nool ay dareemeen cabsi,iyagoona ka cabsi qabay in ay waxyeelo ka soo gaarto dabka ka kacay kaalinta shidaal.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee uu sababay dabkaasi,inkastoo uu jiro khasaare balse aan la xaqiijin kari,maadaama ay aheyd xili habeen ah oo dadka hurdaaye.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor