Waxaa Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka hortegay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Xasan Cali Maxamed Amar-dambe iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa su’ aallo dhowr weeydiiyay Wasiir Amar-dambe iyo Taliye Odawaa Yuusuf Raage, kuwaasi oo la xiriiray howlaha Shaqo ee Wasaaradda Gaashaandhiga iyo howlgalada Ciidamada Dowladda wadaan, iyagoona ka Jawaabay.
Su’aalihii la weeydiiyay Wasiirka iyo Taliyaha ayaa waxaa ku jirtay mid aheyd, Yaa bixiyay amarka ah in istaafyada Xildhibaanada lagu reebo Controllada laga iaaliyo Madaxtooyada?
Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa Jawaabay su’aashaas oo Maanta dhowr Xildhibaan ay weydiiyeen.