Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Saakay Abax dhigay Taalada Dhagaxtuur ee Dagmada Waaberi.
Ubax dhigga ayaa Qeyb ka ahaa Munaasabad lagu maamuusayo sannad guurada 59-aad ee ka soo wareegtay xornimadii Gobollada Waqooyi ee dalka oo ku Asteysan maant oo kale 26 June 1960-kii.
Madaxweynaha ayaa Salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Asluubta dowladda Soomaaliya.
Munaasibadda waxaa sidoo kale ka qeybgalay Xubno katirsan labada Golle ee Dowladda, Duqa Magaalada Muqdisho Eng Abdirahman Omar Osman iyo ku xigeenadiisa, iyo Boqolaal dadweyne ah oo isaga kale yimid qaar kamid ah Degmooyinka Gobalka Banaadir.