Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre iyo Guddoomiyihii maamulka Gobolka Hiiraan ee xilka qaadista lagu sameeyay ee Yuusf Axmed Hagar Dabageed ayaa hadda waxaa uu kulan uga socdaa Magaalada Baladweyne.
Kulanka oo ah mid Albaabadu xiran yihiin ayaa waxaa looga hadlayaa sidii loo xalin lahaa Xiisada siyaasadeed ee ka taagan Baladadweyn,isla markaana u dhexeeya Madaxweyne Cabdi Waare iyo Yuusuf Dabageed.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in kulanka u socda Wasiir Goodax Barre iyo Yuusuf Dabageed Warbaahinta ay dib joog ka tahay.
Shalay ayaa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa gaaray Wafdi ka dowladda Federaalka oo isugu jiray xildhibaanno ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Magaalada Baladweyne ayaa waxaa weli ka taagan Khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka qaadista lagu sameeyay ee Yuusf Axmed Hagar Dabageed.