DAAWO:- Amal Nuur Cusmaan “wax dhibaato ah la iima geysan waana ku faraxsanahay inaan dalkeyga ku laabto”

Gabadhan yare e lagu magacaabo Amaal Nuur Cusmaan waxaa sheekadeedu ay qabsatay baraha Bulshada kadib markii Warbaahinta dalsan ay sii deysay muuqaalka hooyada dhashay Amaal oo lagu magacaabo Amran Xalane isla markaan baafinaysa gabadheeda oo muddo ka maqan.

Tan iyo wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa jira siyaabo kala duwan oo looga hadlay arrintaan iyada oo Ehelada Amaal Nuur Cusmaan ay ku eedeeyeen saraakiil ka rirsan dowladda in ay gacanta ku hayaan isla markaana ysan garanayn halka ay ku sugantahay loguna hanjabayo in la dhibaatayno dono.

Dhowar maalin kadib taiyaha ciidanka boliiska Soomaaliya ayaa u sheegay Weriyaasha in gacanta ay ku hayaan Amaal Nuur Cusmaan isla markaana y ku jirto gacan ammaan ah,ahse’ahaate hooyasha dhashay Amal waxa ay sheegtay in ay rajo ka qabto in lagu soo wareejin doono gabadheeda haseyeeshee aan la tusunin.

Dhinaca kalana Warbaahinta dalsan ayaa sii deysay muuqaalka Amaal Nuur Cusmaan oo dhinacyadeeda ay fadhiyeen Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliiska Sakiya Xuseen iyo Safiirka Denmark u fadhiya Soomaaliya iyada oo amal ay sheegtay in ay ku faraxsantahay in ay ku laabato dalkeedii.

Geesta kale waxa ay soo hadal qaadday qaabka ay uga soo baxsatay xaruntii lagu dhaqancelinayay,iyada oo tilmaantay in iyada iyo abdho kale ay wada diyaariyeen qorshaha ay uga soo baxsadeen xaruntaas.

Waxaa waxa kala weydiiyay wararka sheegaya in dhibaatooyin loo geystay ama loogu hanjabay waxaana ay sheegtay in aysan jirin wax dhibaato ah oo loo geystay tan iyo markii ay soo baxsatay.

Halkaan Ka Daawo Muqaalka oo Dhameystiran

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media