Daalibaan iyo Dowladda Afganistan oo ku fashilmay Heshiis Xabbad-joojinta Maalmaha Ciidda

Shirka Wafuuda labada dhinac uga socday Caasimadda dalka Qatar ee Dooxa ayaa ku guul-daraystay inay Heshiis Xabbad-joojin gaaraan muddada lagu jiro Maalmaha Ciidda Al-Adxa oo berrito loo dabaaldegayo.

Afhayeenka Xafiiska Ururka Daalibaan ku leeyihiin Caasimadda Qatar, Maxamed Naciim ayaa hadalkaasi sheegay, kadib, Kulan 2 maalmood oo ay Ergooyinka Taalibaan iyo Dowladda Afganistan yeesheen.

Waxa uu xusay in lagu heshiis waayey Xabbad-joojin iyop in Maxaabiista Taalibaan la sii daayo.

Warar ayaa sheegayo inay suurtogal tahay in la gaaro Heshiis Xabbad-joojin socon doonta maalmaha lgu guda-jiro Ciidda, balse, ma jiraan war rasmi ah oo Ururka Daalibaan xaqiijiyeen.

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay Dhexdhexaadiyaasha Qatar waxa uu sheegay inay labada dhinac ku heshiiyeen inay mar kale yeeshaan Wada-xaajood dheeraad, si ay u gaaraan Heshiis Nabadeed oo Rasmi ah.

Ergada Daalibaan waxay horey u codsadeen in 7,000 oo Maxaabiistooda ah laga sii daayo Xabsiyada Dowladda Afganistan, si ay u joojiyaan Gulufka colaadeed ee ay ku qabsanayaan qeybo ka mid ah dalka Afganistan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor