Ra’isul-wasaarihii hore ee Dowladda Federalka, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Barnaamijka Wareega Wararka ee Radio Dalsan, wuxuuna tilmaamay inay Dowladda Federalka ku mashquushay Khilaafyo Siyaasadeed oo dhexdeeda ah, taasi oo keentay in ay qabsoomi waayaan Qoddobo badan oo laga doonayey inay Dowladda Federalka fuliso.
C/weli Sheekh Axmed Maxamed waxa uu sheegay in Muran-siyaasadeedka ka dhex taagnaa Dowladda Federalka sababtay in la diyaarin waayey Doorashadda nooca Hal Qof iyo Hal Cod (One Man and One Vote), wuxuuna xusay inuu rumeysan yahay in ay Somalia ka dhici karto Doorashaddaasi.
Siyaasiga oo sheegay inuu yahay Musharax Madaxweyne, waxa uu rajo ka muujiyey inuu ku guuleysan doono xilkaasi.
C/weli Sheekh Axmed waxa uu 10 bilood Ra’isul-wasaare ka soo noday Xukuumadda Federalka, waxaana lagu xusuustaa khilaafkii isaga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhex maray, iyadoo ay ugu dambeyntii Xildhibaanadda BFS u codeeyeen in Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Axmed laga qaado xilkaasi, waxaana muddo kooban kadib xilkaasi loo magacaabay Ra’isul-wasaraha haatan, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.
©Radio Dalsan