Waxaa xalay Magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah ku yeeshay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish iyo Xildhibaanada labada ee Golle ee Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda Beesha Hawiye.
Kulanka oo ahaa mid Casho ayaa waxaa siwey loogaga hadlay arrinta kuraasta 13-ka xubnood ee Gobolka Banaadir laga siiyay Aqalka Sare, isla markaana hore ay u ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka, xili aan lagu soo darin heshiiskii laga gaaray Doorashada dalka ee 2020/2021.
Qaar ka mid ah Xildhibaannada kasoo jeeda Hawiye ayaa Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Cumar Finish ku dhaliilay inay ka gaabiyeen dhaqan gelinta 13 kursi oo aan lagu soo hadal qaadin heshiiskii Dhuusamareeb 3 iyo heshiiskii Muqdisho.
Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Xildhibaanada qaarkood ay soo jeediyeen in 13- kursi Maanta ay ansixiyaan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, maadaama ka horgeeynayo heshiiksii Doorashada dalka laga gaaray.
Si kastaba Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan weli saxiixin 13-ka kursi ee Gobolka Banaadir laga siiyay Aqalka Sare, xili uu isaga mar hortegay Xildhibaanada Golaha Shacabka ka dalbaday inay ansixiyaan kuraastaas, lana ansixiyay, sidoo kalena Farmaajo uu soo dhaweeyay Go’aankaas.