Radio Dalsan ayaa ogaatay in Ceynte uu iska casilay Xilkaas waxa uuna warqaddiisa iscasilaadda u diray Wasaaradda arrimaha Dibadda, Xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo Kan Madaxweynaha.
Sababta uu uga tagay xilkiisa ayuu ku sheegay arrin isaga gaar u ah mana jirto faahfaahin intaas ka badan oo uu bixiyey Wasiir Caynte.
C/raxmaan Caynte oo horey usoo noqday Wasiirkii Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya ayaa Bishii June ee sanadkan Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu u magacaabay Safiirka Soomaaliya ee UK.
Magacaabistaas sidoo kale waxaa kula lammaanaa Jaamac Caydiid Safiirka Turkiga iyo Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle) oo ah wakiilka QM ee Soomaaliya.