CPJ oo ku baaqday in la sii daayo Weriye ku xiran Muqdisho.

Xiriiriyaha Hay’adda Badbaadinta Suxufiyiinta ee “CPJ” ugu qaabilsan Barnaamijka Afrika, Sue Valentine ayaa sheegtay inay Dowladda Somalia weli Xabsiga ku hayso Weriyahaasi muddo 20-cisho ah, iyadoo aan weli sheegin Sharciga uu jebiyey, isla markaana aan lagu soo oogin wax dacwado ah.

“Haddii ay Dowladda ku eedeynayso Weriyahaasi inuu galay Dembi, waa in si degdeg ah loo sheegaa Eedeymahaasi, haddii kale waa in la sii daayaa” ayey tiri Haweeneydaasi u hadashay Hay’adda CPJ ee Xarunteeda Dhexe ku taallo magaalladda New York ee dalka Maraykanka.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, Maxamed Ibraahim Pakistan ayaa sheegay inuu Dowladda kala hadlay Kiiska Weriye C/risaaq Cumar Axmed “Syria”, balse uu awoodi waayey inuu ogaado sababaha uu weli u xiran yahay Weriyahaasi oo ka mid ah Suxufiyiinta Madaxa Banaaan ee ka hawlgala Muqdisho.

Xaaska Weriyaha xiran  oo lagu magacaabo Maryan Carraale ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay Xaalladiisa Caafimaad, iyadoo sheegtay markii la xirayey inuu la xanuunsanaa Malaariyo.

Dhinaca kale, Hay’adda CPJ waxay sheegtay inay E-mailo kula xiriirtay Wasiiradda Amniga Gudaha iyo Warfaafinta eee Xukuumadda Federalka, C/risaaq Cumar Maxamed iyo Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”, balse aysan weli ka soo jawaabin sababaha uu u xiran yahay Weriyahaasi, waa sida ay Hay’adda CPJ hadalka u dhigtay.

Bishii December 17-dii ee sannadkii hore, ayey ahayd markii ay Ciiddan ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA)  ku qabteen  Weriye C/risaaq Cumar Axmed iyo Weriye Abuubakar Maxamed Cali oo u shaqeeya Radio Star FM ka agagaarka Isgoyska Jubba ee magaalladda Muqdisho.

Weriye Abuubakar Maxamed Cali ayaa la sii daayey hal maalin kadib, iyadoo aan lagu soo oogin wax dacwado ah, waxaana weli xiran Weriye C/risaaq Axmed Cumar.

©Radio Dalsan        

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor