Codbixinta doorashada dalka Kenya oo billaabatay

Guud ahaan dalka Kenya waxaa ka billowday codbixinta doorashada guud iyadoo ay dadka ku jiraan safaf dhaadheer.

Meelaha qaar dadku waxay billabeen inay safka galaan 1-dii habeenimo inkastoo ay codbixinta si rasmi ah u billaabatay 6-dii arroornimo.

In ka badan 19 milyan oo qof ayaa u diwanagalsan codbixinta maanta.
Dadka Kenyanka ah ayaa waxa ay u codayn doonaan 6 jago laga soo billaabo madaxwaynaha ilaa golaha wakiilada degmooyinka.

Waxaa jagada madaxwaynanimada ku tartamaya 8 musharax oo ay uga cadcad yihiin madaxwaynaha iminka xilka haya Uhuru Kenyatta iyo hogamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Si uu musharaxa ugu guulaysto jagada madaxwaynaha wareega kowaad, waxaa looga baahan yahay boqolkiiba 50 lagu daray 1(50+1)oo ka mid ah codadka la dhiibtay.

Doorashadii aanu soo dhaafnay Mr Kenyatta ayaa ku guulaystay doorashada isaga oo helay 50.51 boqolkiiba halka Mr Odinga uu helay 43.7 boqolkiiba.

Haddii la waayo musharrax hela boqolkiiba 50 iyo hal cod , wareeg labaad ayaa la galayaa ,waxana ay tahay in doorashada wareega labaad la qabto mudo 30 maalmood gudahood ah.

Gudiga doorashada ayaa waxa ay sharciyan haystaan in muddo 7 maalmood gudahood ah ay ku dhhwaaqaan natiijada madaxwaynanimada.

Hadba sida uu u guuleysto hannaanka codeynta ee computer-da ee guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddaha (IEBC) ayaa muhiim u ah in loo arko doorashadan in ay ku dhacday si xor iyo caddaalad ah. Haddii hannaankan uu guuldaraysto sidii dhacday 2013, waxa codadka lagu tirin doonaa gacanta, taasina waxay wadanka u horkici doontaa si aan shaki ku jirin in qofka laga adkaado uu dood ka keeno natiijada.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media