Ciiddanka Khaaska ee Britain “SAS Special Forces” oo la sheegay inay dagaal qarsoodi ah  kula jiraan Alshabaab.

Koox ka tirsan Ciiddanka Khaaska ee SAS Special Forces ee dalka Britain ayaa ku sugan gudaha dalka Somalia, kuwaasi oo Ciiddanka Dowladda Federalka siinayo u tababara La-dagaalanka Alshabaab.

Wargeyska Maalinlaha ee Daily Star ee ka soo baxa magaalladda London ayaa maanta qoray in 10 ka tirsan Ciiddanka SAS Special Forces oo aad u hubeysan ku sugan yihiin Xero fog oo ku taalla dhinaca Waqooyi ee magaalladda Muqdisho.

Wargeyska waxa uu qoray inay Ciiddanka SAS Special Forces si caadi ula dagaalamaan Alshabaab oo Isbahaysi la leh Ururka  Alqaacida.

Wargeyska Daily Star waxa kale oo uu qoray in Ciiddankaasi oo aad u hubeysan loogu talagalay inay arbushaan iyo inay joojiyaan Hawlgalladda Alshabaab ka wadaan gudaha Somalia.

Ciiddanka Khaaska ee Britishka ee ku sugan duleedka Muqdisho ayaa la sheegay inay isla shaqeynayaan Ciiddanka Khaaska ee Maraykanka ee USA Delta Force, kuwaasi oo hagayo duqeymaha Diyaaradaha Maraykanka ee saldhigooda ku yaallo dalka Jabuuti ku hayaan Alshabaabka Somalia.

Sidoo kale, Wargeyska waxa uu daabacay in Ciiddan badan oo ka socda Britain iyo dalalka Midowga Europe tababar siinayaan Ciiddamo ka tirsan kuwa Dowladda Federalka oo la filayo inay goor dambe oo sannadkan guluf xooggan ku qaadaan Dagaalamayaasha Alshabaab.

Si kastaba ha ahaatee, shaacinta inay Ciiddan ka tirsan kuwa Khaaska ee Britain ku sugan yihiin Muqdisho ayaa timid, iyadoo uu Ra’isul-wasaaraha dalka Britain, David Cameron sheegay bishii September ee sannadkii hore  inuu 70 Askari oo  Tababarayaal ah u soo dirayo Somalia si ay u xoojiyaan Hawlgalka ay QM taageerto ee AMISOM.

Xigasho: dailystar.co.uk

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor