Taliyihii hore ee Ciiddanka Kenya, Julius Karangi ayaa sheegay inaan la gaarin xilligii ay Ciiddanka Kenya laga soo saari lahaa gudaha dalka Somalia,  wuxuuna sheegay inuu Kharaj ku dhumayo haddii la qaato go’aankaasi.
“Taasi waxay noqon doontaa mid kharaj kaga lumay Kenya, waayo waxaan ku bixin kharajka dhiigga dadkeenna†ayuu yiri Jeneralka Hawlgabka ee Julius Karangi oo isagu ah Taliyihii Ciiddanka Kenya ee amray inay Ciiddankaasi soo galaan Somalia bishii October 16-dii ee sannadkii 2012-kii.
Waxa uu tilmaamay inaysan xilligan diyaar u ahayn inay Ciiddanka kala soo baxaan Somalia, ilaa Maamulo looga dhisayo Deegaannadda lagala wareegayo Dagaalamayaasha Alshabaab, si aysan mar kale Alshabaab u qabsanin, waa sida uu hadalka u yiri.
Julius Karangi waxa uu tilmaamay in Hawlgalka haatan dhiman uu yahay kuwa ku hawlgalayo Qoryaha AK 47, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay taasi micnaheeda ahayn in laga faraxashay Dagaalka lagula jiro Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.
Dhinaca kale, Â Taliyihii hore ee Ciiddanka Kenya, waxa uu sheegay inay Ciiddanka Kenya iyo kuwa Ethiopia ee ku sugan Somalia ku wajahan yihiin sidii ay ula wareegi lahaayeen Daaganadda ay Alshabaab ku xooggan yihiin.