Ciiddanka Badda Japan ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda Somalia oo xilliga loo kordhinayo

Ilo ku dhow Dowladda Japan ayaa sheegay in la qorsheynayo in bisha soo socota  xilliga loo kordhiyo Ciiddanka Badda ee Japan ee Hawlgalka La-dagaalanka Burcad-baddeeda u jooga Xeebaha dalka Somalia.

Ra’isul-wasaare Shinzo Abe ayaa la filayaa inuu ansixiyo Xilli-kordhinta bilowga bisha soo socoto ee July, si ay arrintaasi u hubaal geliso muhiimadda Ammaanka Badda ee Japan.

Ciiddanka Difaaca Badda Japan ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysta meelaha ka baxsan Badda Somalia (MSDF) waxay hawlgalkaasi wadeen tan iyo sannadkii 2009-kii.

Ciiddankaasi oo ay tiradoodu dhan tahay 600 oo badmaax ayaa waxay wataan Maraakiib dagaal iyo Labo Diyaaradaha nooca wax lagu basaaso ee P 3 C

Source:- japantimes.co.jp

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor