Saraakiil Sarsare oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Europe ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia ee ATALANTA OPERATION waxay maanta Kulan la leeyihiin Saraakiisha Ciiddanka Badda ee Kenya.
Kulankaasi oo ka dhacayo magaalladda Xeebta leh ee Mombasa, iyagoo ka wada hadlayo Iskaashiga labada dhinac iyo Dhoolatuska Wadajirka ee ay ku muujinayaan qaabka looga hor tegi karo Burcad-baddeedda ku sugan Badda Somalia.
Xubno ka tirsan Guddiyadda Difaaca iyo Arrimaha Dibedda ee Barlamaanka Kenya ayaa la filayaa inay kulan la yeeshaan Saraakiisha ka socota Hawlgalka ATALANTA OPERATION.
Ugu yaraan Labo Markab Dagaal oo ay Ciiddanka Badda EU-da leeyihiin ayaa ku sugan Xeebta Mombasa, kuwaasi oo qeyb ka ah booqashadda Saraakiisha EU-da ku joogaan dalka Kenya.
Ciiddanka Badda ee Midowga Europe waxay qeyb ka yihiin Hawlgalka Caalamiga ee lagu xoojinayo Ammaanka Badda Somalia, La-dagaalanka Burcad-baaddeeda iyo ilaalinta Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Dalxiiska ee isaga kala goosha Gacanka Cadmeed iyo Galbeedka Badweynta Hindiya
Tan iyo markii uu Hawlgalka ATALANTA bilowday sannadkii 2008-dii waxay Ciiddanka ka hor tageen weeraro lagu afduuban lahaa Maraakiibta isticmaala Badda Somalia.