Ciiddan ka tirsan Hawlgalka AMISOM ayaa la sheegay inay toogasho ku dileen 2 wiil oo Walaalo ah oo ku sugnaa Deegaanka Wareer-maleh ee u dhexeeya Maryan Gubaay iyo Mudul-baraawe ee Gobalka Sh/hoose.
Ehelladda Wiilashaasi iyo Xildhibaan ka tirsan Maamul-gobaleedka K/Galbeed ayaa dhacdadaasi la wadaagay Radio Dalsan, waxayna tilmaameen in Labada Wiil ahaayeen Geeleey dhaan u waday Xoolo u badnaa Geel, kuwaasi oo gelinkii dambe ee shalay si barer ah loo dilay.
Waxay intaasi ku dareen inay Ciiddanka AMISOM geysteen Falkaasi, wax yar kadib, markii weeraro qaraxyo ah lagula beegsaday meel ku dhow halka ay Wiilasha ku toogteen.
Ciiddanka AMISOM waxay kaloo dileen ugu yaraan 25 neef oo Geel ah, sida ay sheegeen Eheladda Wiilasha la dilay.
Dhinaca kale, Askarta AMISOM ayaa sheegtay inay weerarkaasi kadib dileen 2 qof oo ay ku tilmaameen inay Alshabaab ahaayeen.
Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay oo ay Ciiddanka AMISOM toogtaan dad rayid ah oo aan ku lug lahayn dirirta ay kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaab.
©Radio Dalsan