Ku-dhawaad 100 Askar Ethiopian ah ayaa shalay galab xoog kaga gudbay Xuuudka Kenya, iyagoo baacsanayey dad looga shakisan yahay Oramadda Kacdoonka ka wada dalkaasi.
Wargeyska Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa maanta qoray inay Askartaasi isku gedaameen Tuulladda Golole oo 9 KM dhanka Galbeed kaga toosan Saldhigga Boliska ee Sololo.
Saraakiisha hoggaaminaysay Ciiddankaasi ayaa sheegay inay ku raad-joogeen rag ka tirsan Jabhadda Xorreynta Oromo ee Oromo Liberation Front ee OLF.
Dhinaca kale, Ciiddan Kenya ka yimid Xeradda Oda ayaa loo daad-gureeyey Sololo, kadib, markii ay Askarta Ethiopianka soo galeen Tuulladda Golole ee Gobalka Marsabit.
©Radio Dalsan