Ciiddamo ka socda dalka Burundi oo ku soo fool leh Muqdisho

Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Maman S. Sidikou ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Wargeyska Inner City Press ee dalka Maraykanka.

Maman S. Sidikou waxa uu tilmaamay in 1,000 Askari oo ka socda Ciiddanka Burundi bishan 10-da ilaa 18-da soo gaari doonaan magaalladda Muqdisho, si ay ugu biiraan Hawlgalka AMISOM.

Ciiddankaasi ayaa la sheegay inay  beddeleen Guuto Burundian ah oo qeyb ka ahaa Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo dib ugu laabtay caasimadda dalkaasi ee Bujunbuura.

Ciiddankaasi oo ay tiradoodu dhamayd 1828 Askari waxaa bishii hore May 30-dii  la guddoonsiiyey Billado Hawlkarnimo, kadib, markii ay dhamaysteen Waajibaadkii Shaqo ee ay ka hayeen Hawlgalka AMISOM.

Haweeneyda Ku-xigeenka u ah Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia,Lyda Wanyoto ayaa ciiddankaasi guddoonsiisay Billadaha, kadib, markii munaasabad loogu qabtay magaalladda

Ciiddanka la guddoonsiiyey Billadaha oo ka kala tirsan Guutooyinka 26-aad iyo 27-aad ayaa dhamaystay Hawlihii ay u joogeen Somalia.

Xigasho: Inner City Press

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor