Ciiddamo Badda oo ka kala socday dalalka Maraykanka, Britain, Japan iyo Koonfurta Kuurya waxay Carbis Milliteri ka sameeyeen meel ka baxsan Xeebaha Somalia, kaasi oo lagu muujinayey cududooda La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia.
Wakaalladda Wararka Koonfurta Kuurya ee YONHAP ayaa sheegtay in Carbiskaasi loogu diyaar-garoobayo Hawlgalka Isbhaysiga ee Isku-dhacyada iyaga iyo Burcad-baddeeda sida joogtada kaga qowleysata Gacanka Cadmeed.
Captain Kim Kyung-ryul oo ka tirsan Ciiddanka Bdda Koonfurta Kuury aya sheegay in Dhoolatuskaasi Wadajirka taageero ka geystay iskaashiga Ciiddanka Badda ee 4-taasi Waddan iyo Adkeynta Xoojinta Hawlgalkasi.
Carbiskaasi waxa hagayey Admiral Tatsug Fukuda oo ah Taliyaha Ciiddanka Kooxda Shaqada Isku-dhafka ee Combined Task Force-151 ee La-dagaalanka Burcad-baddeed iyo Dhaca Hubeysan ee Badda Carbeed.
Dalalka soo diray Maraakiibt ugu xoogga weyn ayaa kala ah:
- Ciiddanka Badda Maraykanka oo soo diray Markabka Dagaalka ee USS Carter Hall
- Japan oo soo dirtay Maraakiibta wax burburiya ee TERUSUZJ iyo Choe Yeong.
- Ciiddanka Badda Britain oo soo diray Markbk Dagaalka ee Monmouth.
Dhoolatuskan Milliteri ayaa ku soo beegmay, iyadoo ay Burcad-baddeeda dib u bilaabeen Hawlgalkooda, iyagoo bishii hore iyo bishan qafaasheen dhowr Markab oo ay sii daayeen wax lacago madax furasho ah.
©Radio Dalsan