Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Saacadihii la soo dhaafay Howlgalo qorsheysan ka fuliyay degaanno katirsan gobolka Hiiraan.
Howgalka ayaa ahaa mid la qorsheeyay waxaana oo Ciidanka is garabsanaya ay ka sdameeyeen degaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan, oo qaybo ka mid ah ay Al-Shabaab weeraro culus kasoo abaabulaan.
Howgalka ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay Ciidanka ururka Sadaxaad ee kumaandooska gor gor ee guutada 17 aad xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanayo ciidanka Daraawiishta Galmudug.
Ciidamada ayaa howlgalka ka sameeyay Tuulooyin hoostaga degaanka Matabaan ee gobolka Hiiraan oo kala ah shiino Qarxis, labi ceebeed, xoodaale, geel ku dhal iyo bacaha.
Taliyaha ururka sadaxaad Kumaandooska gor gor dhamme jamaal cilmi aadan ayaa sheegay in ujeedka howlgalkaan uu ahaa sidii dagaalamayaasha Al-shabaab, ay kaga saari lahaayeen degaanada ay kaga sugan yihiin Gobolkaasi, waa sida uu hadalka u dhigaye.