Ciidanka Xoogga oo Howlgallo Culus ka wada degaan ay la wareegeen

Deegaanka Booco oo  shalay ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ay ka saareen Al shabaab ayaa waxaa saakay ka bilowday howlgal lagu xaqiijinayo ammaanka magaaladda isla markaana lagu baadi goobayo dagaalamayaasha ka tirsan AL-Shabaab.

Howlgalkaan oo uu horkacayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan ayaa wadajir waxaa u fulinayay Ciidamada Ururka 6 aad ee guutada 16 aad kumaandooska Danab iyo ururka 8 aad ee guutada 18aad ee Gor Gor Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan ayaa Codsaday in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka deegaanka Booco oo muddo dhowr iyo tobon sanno ay gacanta ku hayeen dagaalamayaasha Al shabaab.

Deegaano Booco ayaa muhim u ahaa  Al shabaab waxaana ay ku lahaayeen, maxkamad iyo sido kale goobo la sheegay inay lacago uga qaadi jireen dadka, waxaana shalay si toos ah ulawareegay Ciidanka Xoogga dalka.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor