Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka Somalia oo kulan u socda

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa weli uu kulan uga socdaa Guddiga Joogtada ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo ka hadlay arrimo muhiim ah.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa xilliga rasmiga ee uu furmayo Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka iyo waqtiga loo Yeerayo Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka Qaranka si looga shagaysto Warbixinta Doorshooyinka Dalka.

27-ka bishan May oo la filayay in Guddoomiye xaliima Yarey inay hor-tagto Baarlamaanka, hayeeshee dib u dhac ku yimid, waxaana la filayaa in horraanta bisha June loo asteeyo inay Baarlamaanka warbixin ka jeediso.

Kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu  waday inuu furmo 20-ka Bishii April 2020, balse Qoraal kasoo baxay Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee dalka ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan  iyo Cabdi Xaashi ayaa lagu shaaciyay inuu dib u dhac uu ku yimid furitaanka Kal-fadhiga.

Sidoo kale Qoraalka Guddoonka Baarlamaanka ayaa waxaa lagu xusay in xiliga ku haboon ee la furi karo kal-fadhiga 7-aad uu Guddoonka dib  kasoo shaacin doono.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media