Ciidanka Amniga Dowlad Goboleedka Puntland ee PSF ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo qorsheysan oo ammaanka lagu xaqiijinayay waxaa ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.
Ciidamada oo howgalo qorsheysan si gaar ah kaga fuliyay Xaafadaha magaalada ayaa soo qabtay xubno lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin daacish.
Masuuliyiinta howgalka horkacayay ayaa sheegay in Ujeedka howlgalka uu ahaa raad-raaca tuhmanayaasha lasoo qabtay oo la aaminsan yahay in Daacish ay u qaabilsan yihiin hanjabaada ganacsatada deegaanka.
Ciidanka ayaa ku guulaystay inay soo qabtaan saddex qof oo looga shakisan yahay ku lug lahaanshiyaha falalka ka dhaca Magaaladaasi, waxaana ku socda baaritaan.