Ciidanka NISA oo xalay howlgallo ballaaran ka sameeyay Muqdisho iyo duleedkeeda

Ciidanka Nabadsugida dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenimadii xalay aheyd waxaa ay howlgalo ballaaran ka sameeyeen degmooyin ka tirsan Gobolkaan Banaadir iyo deegaano dhaca duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ciidamada Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa ujeedka howlgalka ay sameeyeen waxaa ay ku sheegeen inuu ahaa mid doonayo in lagu xaqiijiyo amniga caasimadda Muqdisho, isla markaana laga hortego falalka amni darro ee dhaca.

Howlgalka ayey si gaar ah ciidamada NISA uga fuliyeen degmooyinka kala ah Deyniile, Kaxda iyo Heliwaa ee Gobolka Banaadir, sidoo kalena waxaa ay howlgalo bartilmaameedyo ah ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Howlgalkii laga sameeyay ceelasha biyaha lagu beegsaday guri ku yaalla deegaankaas, isla markaana laga soo qabtay sida la tilmaamay laba nin oo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Si kastaba Ciidamada Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa habeenadii lasoo dhaafay hordhiyey howlgalada ay ka sameeynayaan degmooyinka Gobolka iyo deegaanada duleedka Muqdisho, iyagoona sheegay in amniga lagu xaqiijinayo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor