Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay dagaalame ka tirsan Al-Shabaab oo doonayay inuu fal amni darro ah ka geysto suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Shaqsiga la qabtay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa Shabakad dilal ka geysatay magaalada Muqdisho oo ciidamada ammaanka ay ku daba jireen, waxaana maanta lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo.
Maalmahaan magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilalka loo gaysanayo ganacsatada Goobahooda Ganacsiga ku xirtay Camerada CC TV da loo yaqaanno, waxaana sidoo kale Ciidanka ammaanka ay bilaabeen howgallo ka dhan ah dagaalamayaasha AS ee Caasimadda ku dilaya Gnacsatada.