Ciidanka Nabadsugida oo fuliyay howlgal lagu soo qab-qabtay Rag dhallinyaro ah

Ciidanka hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xalay howgal ballaaran oo saacado socday waxay ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Howlgalka ayaa waxaa ciidamada nabadsugida Maamulka ay intiisa badan ka sameeyeen xaafadaha kala ah Bardaale, Isha iyo Suuqa  xoolaha, waxaana lagu soo qab-qabtay rag looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada nabadsugida iyo sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegeen inay gacanta kusoo dhigeen laba Nin oo sheegeen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, halka ay jiraan rag kale oo u badan dhalliyaro oo iyaguna la qabtay, kuwaasi oo qaarkood baaritaano kadib lasii daayey…

Ujeedka howlgalka laga sameeyay magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu ahaa mid lagu doonayay in lagu xaqiijiyo ammaanka magaaladaas oo caasimad KMG ah u ah Maamulka Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor