Ciidamada kumaandooska DANAB gaar ahaan ururka 4-aad, guutada 16-aad, ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wakaaladda Wararka dowladda ee SONNA ayaa qortay in howlgalka Ciidanka DANAB ka sameeyeen Tooratoorow uu ujeedkiisa ahaa mid lagu doonayey in lagu xaqiijiyo ammaanka deegaanka, isla markaana Ciidanka gacanta ay ku dhigeen qori AK47
Howlgalkan Ciidamada kumaandooska DANBA ay fuliyeen ayaa daba socda, howgalo is-daba joog ah oo maalmihii u dambeeyay ay wadeen ciidamada xoogga dalka, kuwaasi oo ka dhan ahaa Al-Shabaab, sida lagu sheegay Qoraal lagu daabacay Wakaaladda SONNA.
Maalmo kahor ayey aheyd markii diyaarado aan duuliye laheyn ay duqeyn diyaaradeed ka fuliyeen deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana la sheegay in lala beegsaday Saldhig Shabaabka ay lahaayeen, sidoo kalena Ciidanka DANBA ay gudaha u galeen degaanka, ayna ka fuliyeen howlgalo.