Booliska Somaliland oo Digniin u diray Madaxda Mucaaradka oo Abaabul wada

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland uga digay inay banaanbaxyo sharci darro ah oo looga soo horjeeda Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka dhigaan Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulkaas.

Saraakiisha Booliska Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay ka warhayaan abaabulka banaanbaxyada ay wadaan Madaxda xisbiyada Mucaaradka, isla markaana xusay in Booliska ay u  diyaarsan yihiin inay ka hortegaan.

Booliska ayaa mucaaradka Somaliland uga digay inay si sharci darro ah isugu soo bixiyaan dhallinyarada, waxaana ay tilmaameen in aan la qaban karin banaanbaxyo aan fasax looga heysan Booliska, iyagoona intaas kusii daray in madaxda mucaaradka ay mas’uuliyada qaadi doonaan wixii ka dhasha kahortega dadka dhigaya banaanbaxyada.

Sidoo kale Saraakiisha Booliska Somaliland ayaa shacabka ugu baaqay inay ilaashadan nabadgalyada, isla markaana ay wadashaqeyn la yeeshaan Booliska, “Booliska xisbi iyo urur midna kama tirsana, sharci ilaalin ayuu u sameysan yahay” ayuu yiri Sarkaal u hadlay Booliska.

Si kastaba, wadahadalladii lagu doonayey in lagu xaliyo khilaafka ka taagan doorashada Somaliland ee u dhexeeya Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo mucaaradka Somaliland ayaa fashil kusoo dhammaaday, iyadoona Mucaaradka ku baaqeen banaanbaxyo ka dhan ah Xukuumadda oo ay ku eedeeyeen in aysan diyaar u aheyn qabashada doorasho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor