Ciidanka Kenya oo lagu eedeeyey inay ku takri-falaan Awoodda Hawlgalka AMISOM

Guddoomiye-xigeenkii hore ee Barlamaanka dalkaasi, Faarax Macallim ayaa ku eedeeyey Saraakiisha Ciiddanka dalkaasi inay  mas’uul ka yihiin weerarkii ay isbuucii hore ku burburiyeeen Taawar ay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud lahayd.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay  inay Saraakiisha Ciiddanka Kenya mas’uul ka yihiin falkii ugu dambeeyey ee lagu burburiyey Taawarkaasi oo ku fadhiyey qiimo dhan 1.5 Billion oo Shillinka Kenya.

Waxa uu ku eedeeyey Ciiddanka Kenya inay ku takri-falayaan Awoodda Hawlgalka AMISOM, isla markaana ay xadgudubyo u geystaan hantida dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, qoraalka uu Faarax Macallim soo dhigay Twitter-kiisa waxa uu dhacdadaasi ku sheegay fal u muuqda dagaal ay dalalka Gacanka Carbeed ku doonaaan  inay ku joojiyaan qodista shidaalka ee Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay ee ay Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM waxyeello u geystaan Qalab iyo Hanti ay leeyihiin Gnaacsato iyo shirkado Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media