Faah Faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay u gaysteen Wiil dhalinyaro ah, oo ka mid ahaa dhallinyarada Muqdisho ee Moota bajaajta ku shaqeysta.
Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay Caawa Isgoyska Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Wadada Warshadaha, waxaana la sheegay in Marxuumka la dilay uu watay mooto Bajaaj uu ku shaqeysanayay.
Marxuumka ayaa lagu Magacaabi jiray Daa’uud Cadar Cilmi, waxaana warar aynu helnay sheegayaan in uu deganaa xaafada Raadeelka ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Maydka Marxuumka ayaa goobta laga qaaday dilka kadib, waxaana la sheegay in loo qaaday xarunta Dambi baarista CID-da.
Dilalka Noocaan ah ayaa inta badan waxaa ay ka dhacaan Magaalada Muqdisho, waxaana joogto noqday dilalka Bareerka ah ee ay Ciidanka Dowladdu u gaystaan dhalinyarada ku shaqeysata Mootooyinka loo yaqaanno bajaajta.