Ciidanka dowladda oo soo bandhigay Nin ay ku qabteen dagaal saakay ka dhacay Baardheere

Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaliya eek u sugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxa ay soo bandhigeen Wiil Dhalinyaro ah oo ay sheegeen in uu ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa wax ay sheegen in Ninkaas uu ka mid ahaa Al-Shabaabkii saakay xilligii saxuurta soo weeraray fariisinka  Ciidamada dowladda ee degmada baardheere,isla markaana dagaalkaii dhacay lagu qabtay.

Ninka la qabtay ayaa Magaciisa waxaa lagu sheegay  Ibraahim Maxamed kana tirsanaa Al-Shabaab,isla markaana ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda ee degmada baardheere,waxaana Saraakiishu ay sheegeen in ay laamaha kale ee amniga Soomaaliya u gudbin doonaan.

Dagaalkii Al-Shabaab ku qaadeen xilligii Saxuurta fariisinka Ciidamada dowladda ee degmada Baardheere ayaa waxaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen ilaa 6 Ruux oo 4 ka mid ah ay yihiin Al-Shabaab halka labada kale ay ka tirsanaayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in ay la wareegeen gacan ku heynta Buundada Baardheere in kastoo weli saraakiisha ciidamada dowaldda aysan weli ka hadlin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media