Ciidanka Dowladda oo la wareegay degaan ka tirsan Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan iyo ciidan uu hoggaaminayo ayaa goordhow la wareegay gacan ku heynta deegaanka Booco oo qiyaastii 50-KM koonfur kaga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamada dib-u-xoreynta deegaanka iyo Ciidanka xoogga dalka dowladda Soomaaliyeed ayaa howlgal ka wada tuulada Booco iyo degaannada ku xeeran.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inaysan la kulmin wax dagaal ah, ayna sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Waa markii ugu horreeysay oo Al-Shabaab laga saaro deegaanka Booco tan iyo markii ay la wareegeen muddo ka badan 13-sanno.

Al-shabaab ayaa deegaanka Booco waxay u  aheyd fariisin muhiim maxaa uga furneyd Maxkamado iyo xaruumo kale, iyagoo sidoo kale ka mid ahayd goobaha ay kasoo abaabulaa qaraxyada iyo dilalka qorsheysan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor