Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in ay isaga baxeen degaanno iyo degmooyin ay dhawaan Al-shabaab ka qabsaden oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidanka Dowladdu ay banneeyeen degaanno dhowr ah ย oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana lasoo sheegaya in ay ka bexeen degaanada, Basra,Daniga Baalow,Buulo Kuunto,Walamoy iyo qaar kale, iyadoo Al-shabaab ay dib ula wareegeen Goobihii ay faarujiyeen Ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Ciidanka Dowladda ayaa dhawaan waxaa ay Holwgallo ballaaran ka wadeen Tuulooyin hoostaga degmada Balcad ee Gobalka Shabeelalha dhexe, waxaana ay dagaalamayaasha Al-shabaab kala wareegayeen degaanno badan oo ka tirsan Gobolkaasi.
Degaanada Lasoo sheegayo in Ciidanku banneeyeen ayaa waxaa ay ka mid yihiin goobihii Al-shabaab dhawaan laga saaray, mana cadda sababha ku qasbay Ciidanka dowladdu in ay ka baxaan deegaanadaasi.
Degmada Balacad duleedkeeda ayaa waxaa shalay Ciidanka Dowladdu ay ka sameeyeen howlgallo ay kula dagaalamayeen Al-shabaab, waxaana inti howlgaladaas lagu guda jiray qarax lagu dilay lix Askari oo ilaalo gaar ah u ahaa Guddoomiyaha Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe, iyadoo qaraxaas oo ahaa minoo dhulka lagu aasay ay ku dhaawacmeen afar kale, waxaana guddoomuaha oo waraysi siiyay Dalsan radio uu sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Shabaab iyo howlgalada ay ka sameeyaan Degmada bal-cad ย iyo ย guud ahaan Gobolkaasi Shabellahaย dhexe.